1149 Views

wargeyska The Times ee ka soo baxa UK oo sheegayCali Xarbi qofkii uu wacay Markii uu dilay xildhibaan David Amess

wargeyska The Times  ee ka soo baxa UK oo sheegayCali Xarbi qofkii uu wacay Markii uu  dilay  xildhibaan David Amess
____________________________________________________________________________

Arbaco: October 20, 2021

Waxaa weli socda baaritaanka lagu hayo dilka xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa baarlamanka UK, kaasi oo Jimcihii lagu dilay mindi, ayada oo dilka loo qabtay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali Xarbi Cali.

Dambi-baarayaasha ayaa hadda isku dayaya inay ogaadaan qofkii ugu horreeyey ee Cali uu taleefonkiisa ka wacay isla markii uu dilay xildhibaan Amess.

Ilo-wareedyo amni ayaa wargeyska The Times u sheegay in Cali uu durbadii uu dilay xildhibaanka lasoo baxay taleefonkiisa kadibna wacay ama fariin qoraal u diray qof hadda la isku dayayo in la aqoonsado. Xitaa iskuma dayin inuu goobta ka baxsado.

“Xiriirka uu isku dayey inuu sameeyo daqiiqaddaas waa faah-faahin muhiim ah. Dambi-baarayaasha waxay isku dayayaan inay ogaadaan qofkaas uu la xiriiray,” ayuu yiri il-wareedka.

Arrimaha ay suurta-galka tahay ee la eegayo waxaa ka mid ah haddii qofka uu Cali la xiriiray uu wax ka ogaa dilka.

Dhinaca kale, Cali ayaa lagu warramay inuu toddobaad kahor dilka sameystay ballan uu uga qeyb-galo kulanka uu xildhibaan David Amess la yeelanayey dadka soo doortay ee deegaanka Leigh-on-Sea, oo ah goobta dilka uu ka dhacay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo beri oo Khamiis ah qorshuhu yahay inuu furmo shirka arrimaha doorashooyinka ee uu horey u iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble, kaas oo go’aan rasmi ah looga gaari doono muranka hareeyey doorashooyinka dalka.

Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyey wajaheysay xaalad hubanti la’aan ah, kadib markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxda dowladda, iyadoo aan heshiis laga gaarin hannaanka loo wajahayo doorashooyinka Soomaaliya ee dhacaya sanadkan 2021-ka.


By Asad Cabdullahi Mataan 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post