456 Views

Samiiro Qeyd “Codkii sirta ee Madeira wuxuu dhibaato ku noqon karaa shaqaalaha Soomaalida”

Samiiro Qeyd “Codkii sirta ee Madeira wuxuu dhibaato ku noqon karaa shaqaalaha Soomaalida”
____________________________________________________________________________


Sabti: April 9, 2022

 

Samiir Qeyd oo mar xil sare oo dhanka ammaanka ka haysay xafiiska Ra’isulwasaaraha, haddana ah falanqeeye Amni ayaa doodda Twitter Space ee ay qabanqaabisay shabakada Garowe Online u sheegtay in codkii sirta ahaa ee la baahiyay ee la sheegay in ergeyga Midoowga Afrika Mudane Madeira sababsaday in Ra’iusulwasaaraha uu dalbado in uu dalka ka boxo uu saamayn xun oo balaaran ku yeelan karo shaqaalaha Soomaalida ee Xalane.

Waxa ay sheegtay in shaqaalahaas ay had iyo jeer la kulmaan dhibaatooyin xagga shaqo siinta, markastana lagu eedeeyo in ay bixiyaan siraha ka jira Xalane, marka ay arrimahan oo kale dhacaane iyaga markiiba farta lagu godo.

Cod aad loo baahiyay ayaa la sheegay in qofka hadlaya uu yahay ergeyga gaarka ah ee Midoowga Africa Francisco Madeira, uuna ka hadlayo arrimaha siyaasadda gudaha Soomaaliya.

La taliyaha Ra’isulwasaaraha Kamaal Guutaale ayaa BBC-da laanta dunida la hadasha u sheegay in codkaasi uu caddeyn u yahay farogalinta lagu eedeeyay, wuxuuna sheegay in uu rajaynayo in Midoowga Afrika ay badeli doonaan Madeira.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post