840 Views

Ciidamada ammaanka oo xalay howlgallo culus ka sameeyey degmada Deyniile

Ciidamada ammaanka  oo  xalay howlgallo culus ka sameeyey degmada Deyniile
____________________________________________________________________________

Axad: july 18, 2021

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo culus ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Howlagaladaan ay  ahaayeen  kuwo lagu xaqiijinayo ammaanka degmadaas, waxayn arintaas imaanaysaa Xili habeen hore Al-shabaab Weeraro ka geestay Degmadaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa habeenadii lasoo dhaafay waxay degmooyinka gobolka banaadir ka wadeen howlgallo culus oo ka dhan ah Al-shabaab iyo burcadda, waxaana weli caasimadda ka socda howlgalladaas ay wadaan ciidamada DF.

Sidoo kale Degmooyin ay ka mid yihiin Boondheere, warta Nabadda, Hodan iyo Deyniile ayey habeenadii la soo dhaafay ciidamada ammaanku ka howlgaleen kuwaas oo lagu soo qabqabtay inta badan raga dhaca u geysta shacabka

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post