1266 Views

Shirweyne Looga Hadlayo Horumarka Iyo Amniga Oo Ka Furmi Doona Addis Abeba

Shirweyne Looga Hadlayo Horumarka Iyo Amniga Oo Ka Furmi Doona Addis Abeba
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 05, 2019 –Ururka Midowga Europe (EU) ayaa qorsheynaysa Shirweyne Gobaleed looga hadlayo Dhaqaalaha dalalka Bariga Afrika si loo xoojiyo Nabadda iyo Horumarinta ee Gobalka.

 

Hawl-fuliyaha EU-da ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Flugencio Garrido Ruiz ayaa sheegay in Shirweynahaasi oo ay si wadajir isaga kaashanayaan Bangiga Adduunka iyo Bangiga Adduunka waxaa bisha July lagu qaban doonaa caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Waxa uu tilmaamay in shirweynahaasi lagu lafa-guri doono Kaabyaasha  Gobalka ee qeybaha Tamarta, Gaadiidka, Ganacsiga, Horumarinta qeybta Maaliyadda, Nidaaminta Deegaanka,  Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, iyadoo loo sii marayo Tacliinta iyo Xirfadaha.

 

Hawl-fuliyaha EU-da ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Flugencio Garrido Ruiz waxa uu xusay in Shirweynaha la qorsheeyey uu yimid, xilli uu horumar wanaagsan sameeyey Xiriirka u dhexeeya dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea.

 

Waxa uu intaasi ku daray in Xiriirka debecsan ee saddexdaasi dal uu dib u soo celinayo xiriirkooda, iyadoo ay Ethiopia iyo Eritrea dib u furteen Safaaradihii uu midba ku lahaa kan kale Caasimadisia.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment