900 Views

Qoor Qoor iyo Guudlaawe oo musharixiinta u sheegay inay ka soo hor jedan mudo kororsiga saxaafadana la hadlayaan

Qoor Qoor iyo Guudlaawe oo musharixiinta u sheegay inay ka soo hor jedan mudo kororsiga saxaafadana la  hadlayaan
____________________________________________________________________________

April 16-4-2021

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya kulan ay Xalay Muqdisho ku yeesheen Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan sheikh maxamuud , Shiikh Shariif sh. Axmed  iyo Madaxweyneyaasha maamulada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyo kan Hirshabelle Cali Guudlaawe oo ka dhacay Guriga Qooq Qoor.

Wararka ayaa sheegaya in looga  hadlay Arrimo dhowr ah oo ku saabsan Xaaladda Cakiran ee xilligan uu marayo Dalka iyo muddo kordhinta ay golaha shacabka u sameeyeen Hay’addaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

 Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ayaa u caddeeyey Madaxweyneyaashii hore ee Dalka in ay ka soo horjeedaan Muddo Kordhinta loo sameeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa labada madaxweyne ee Galmudug iyo Hirshabelle u sheegay in ay saxaafada u sheegaan mowqifkooda mudo kororsiga, taasi oo ay ka aqbaleen, laguna wado in dhawaan ay la hadlaan saxaafada.

Xubnaha mucaaradka ayaa u arko Axmed Qoor Qoor iyo Guudlaawe wadada kaliya ee looga hortagi karo muddo kordhinta uu sameystay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post