312 Views

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha XFS oo la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha XFS oo la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

 Arbaco: December 28  2022 

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo Eng Fahad Cali Xasan oo ka mid ah la-taliyayaasha wasaaradda ayaa kulan la qaatay danjiraha cusub ee dowladda isu-tagga Imaaraatka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Amb Ahmed Jumaa Mohamed.

Intii uu kulanka socday Wasiirka iyo Safiirka ayaa isla soo qaaday sida labada dal ay isaga kaashan lahaayeen isku xirka bahda ciyaaraha iyo in dowladda Imaaraatku ka taageerta dhalinyarada Soomaaliyeed in loo dhiso xarummo dhalinyaro iyo garoomo ciyaareed.

.

Danjire Ahmed Jumaa Mohamed ayaa balan qaaday in hay’adda sare ee ciyaaraha isu tagga Imaaraatka Carabta iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu isku soo xiri doono si ay isaga kaashadaan ciyaaraha loona sii xoojiyo xiriirka ciyaaraha labada dal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post