648 Views

Al-Shabaab oo sheegatay qarax saaka ka dhacay bar koontarool

Al-Shabaab oo sheegatay qarax saaka ka dhacay bar koontarool
____________________________________________________________________________


Arbaco: May 11, 2022

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay qarax saaka ka dhacay bar koontarool oo laga hubiyo dadka iyo gaadiidka galaya garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Warbaahinta taabacsan Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa oo la rumaysan yahay inuu fuliyay qof ismiidaamiyay, in bartilmaameedku ahaa kolonyo ku socotay teendhada Afisyoni oo ay hadda ka socoto khudbada murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in 7 qof ay ku dhaawacmeen qaraxaas. Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa iiga warramaya qaraxa, wuxuuna marka hore faahfahinaya sida ay wax u dhaceen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post