600 Views

Wiil Youtube-ka caan ka ah oo geeridiisa la wadaagay taageerayaashiisa

Wiil Youtube-ka caan ka ah oo geeridiisa la wadaagay taageerayaashiisa
____________________________________________________________________________

Sabti: July 02, 2022

Salaan qof walba, kani waa Technoblade. Haddii aad daawaneyso farriintan, waan dhintay.” Tani waa sida farriin macsalaameyn ah oo ka timid “Technoblade” ay ku bilaabaneyso, youtuber-ka caanka ah ee kansarka u geeriyooday isagoo 23 jir ah.

Farriinta oo muuqaal ahayd ayaa wuxuu cinwaan uga dhigay “waan kulmi doonnaa, saaxiibbayaal”, waxaana dadka u akhriyay aabbihiis, oo sharraxaad ka bixiyay sida youtuber-ka uu uga codsaday inuu farriinta gaarsiiyo taageerayaashiisa 11 milyan gaaraya. Technoblade ayaa laga helay kansar sanadkii la soo dhaafay wuxuuna maray daaweynta chemotherapy.

“Aanu fadhiisanno oo wadaagno hadalkii ugu dambeeyay,” ayaa farriinta la raaciyay, wuxuuna sidoo kale ku sheegay in magaciisa dhabta ah uu yahay Alex.

“Waan ka xumahay in badan baan iibiyay sanadkii la soo dhaafay, balse way mahadsan yihiin qof walba oo iibsaday funaanadaha iyo waxyaabaha kale,”. “Walaalahay kuleej ayay aadayaan!… hagaag, haddii ay doonayaan. Ma doonayo inaan midna cadaadis saaro.”

“Waa intaas intaan idiin hayay. Wuu mahadsna yahay qof walba oo i taageerayay sanadihii la soo dhaafay.” Wuxuu farriintiisa ku soo afjaray: “Haddii aan heysan lahaa 100 nolol oo kale, waxaan u maleynayaa inaan dooran lahaa uun inaan mar kale noqdo Technoblade, sababtoo ah kuwaasi waxay ahaayeen sanadihii ugu fiicnaa nolosheyda”.

Aabbaha Alex ayaa markii dambe ka soo muuqday muuqaalka isagoo sharraxayay sida bilihii la soo dhaafay ay uga wada hadlayeen sidii loo soo gudbin lahaa muuqaalka iyo halkii lagu duubi lahaa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post