903 Views

Guddi uu hoggaamiyo Trump oo taageeray xiriirka Somaliland & Taiwan

Guddi uu hoggaamiyo Trump oo taageeray xiriirka Somaliland & Taiwan
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 10  2020–Guddiga Ammaanka ee Aqalka-cad ee Mareykanka ee uu hoggaamiye ka yahay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Taiwan waxaa ay ku bogaadiyeen xiriirka ay la samaysay Geeska Africa gaar ahaan Somaliland.

War kasoo baxay Guddigu waxaa lagu sheegay in baahi weyn loo qabay xiriirkaan ay wada sameeyeen Taiwan oo kamid ah wadanka Shiinaha balse sheegtay inay ka go’day iyo Soomaaliland oo kamid ah dalka Soomaaliya, in kastoo ay aaminsan yihiin inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Qoraal la soo dhigay Barta twitter-ka Guddiga oo lagu Magacaabo NSC ayaa lagu soo dhaweeyay xiriirkaas Cusub,waxaana lagu sheegay in uu yahat talaabo horay loo qaaday.

“Farxad weynayaa u aragnaa inTaiwan ay sii xoojinayso hawlgalkeeda bariga Africa waqtiga laguna soo beegay waqti baahida weyn ay jirtay, Taiwan waxaan la leenahay shuraako weyn ah xagga caafimaadka, waxbarashadda, kaalmada farsamada, iyo in kale ka badan badan ayaa lagu yiri” Warka Guddiga.

Todobaadkii hore Wasiirka arrimaha dibadda ee Taiwan ayaa sheegay in iyaga iyo Somaliland ay ku heshiiyeen in midba midka kale uu xafiis ka furto deegaannadooda, hayeeshee War kasoo baxay safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in aysan aqbali doonin in qof, urur gaar ah ama xisbi gaar ah uu kala qeybiyo madaxbanaanida dhuleed ee Shiinaha. Taiwana ay qeyb kamid ah tahay wadanka Shiinaha.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post