2310 Views

Golaha Amaanka ee QM oo Cusbooneysiiyay Fududeeynta Cune-qabateeynta saaran Soomaaliya.

Golaha Amaanka ee QM oo Cusbooneysiiyay Fududeeynta Cune-qabateeynta saaran Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 15, 2017–Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqay in ay hal sano ay ku dareen  qeyb ahaan cuna qabeynta Hubka ee Saaran Soomaaliya.

Kulanka ay yeesheen xubno ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayay Arrintaasi ku meelmariyeen

Ilaa iyo 11 ka mid ah xubnaha  Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa u codeeyay in ilaa 15ka November 2018 in cunaqabateynta Hubka ay sii saarnaato Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen in xilligaan ay Soomaaliya ka jiraan dhibaatooyin kala duwan sida dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana ay hanaanka qafiifinta cunaqabateynta Saaran Soomaaliya dib loo eegi doono.

Waxaana isla kulankaas lagu mamnuucay dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya iyo in Hubka sharci darrada ah la mariyo biyaha Soomaaliya.

15-ka December 2018 la gaarsiiyay heshiiska Kooxda dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea ee Qaramada Midoobey,waxaana looga codsaday in ay sii wadaan shaqadooda baaritaannada u badan.

Kooxdaasi ayaa dhawaan warbixin ay saareen ku sheegeen in dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya ay lacag badan ka qaataan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Waxaana sidoo kale kulankaasi laga mamnuucay in Soomaaliya laga dhoofiyo dhuxul.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment