1284 Views

Mudane ka tirsan baarlamaanka kenya oo sheegay in ciidanka amniga ay ku fashilmeen ka hortagida kooxda Shabaab

Mudane ka tirsan baarlamaanka kenya oo sheegay in ciidanka amniga ay ku fashilmeen ka hortagida kooxda Shabaab
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 14, 2019 –Mudanaha laga soo doortay degmada Fafi ee dowlad goboleedka Garissa ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa ku dhaliilay saraakiisha amniga in ay ka gaabiyeen ka hortagida weerarada kooxda Al Shabaab.

Mr Rati oo qadka taleefanka kula hadlay Universal ayaa sheegay in la sii ogaa weerarkii maalin ka hor kooxda Al-shabaab ku qaaday degaanka Galmagala oo hoos yimaada degmada Fafi kaasi oo lagu burburiyay Anteenada shirkada Isgaarsiinta Safaricom.

Mr Rati ayaa tilmaamay in arintaan ay tahay caqabad soo wajahday shacabka isaga soo doortay maadaama isgaarsiinta ay muhiim u aheyd xiriirka ganacsi iyo kan dadweynaha.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in wasaarada amniga gudaha kenya ay ku fashilantay xaqiijinta amniga iyo ka hortaga weerarkaan maadama kooxda weerarka soo qaaday ay tiradoodu aheyd sideed dagaalyahan waa sida uu sheegay xildhibaanka degmada Fafi ee gobolka waqooyi Bari Kenya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment