1032 Views

Gaadiid farabadan oo ku xayiran duleedka Garoowe

Gaadiid farabadan oo ku xayiran duleedka Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 04,, 2019  –Gaadiidkaan oo ah kuwa Xamuulka qaada ayaa sida badeecado kala duwun ,waxaana ay kasoo baxeen Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari,iyaga oo ku xayiran meel dhowr km Bari ka xigta Magalada Garoowe.

 

Gaadiidkaan ayaa ku xayiran Wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Garoowe iyo Khardho,waxana badeecadaha ay ka keeneen Dekadda Magalada Boosaaso,iyada oo  sababta ay u xayiran yihiin lagu sheegay in Wadada ay gooyeen roobabkii daadadka watay ee dhawaan ka da’ay deegaanada Gobolada Bari iyo Nugaal ee Puntland.

 

 

Dadkii saarnaa Gaadiidkaas oo ku wajahnaa deegaanada Gobolada  Dhexe, deegaanada Puntland,itoobiya  iyo Soomaaliland  ayaa bilaabay inay lug uga gudbaan  meelaha ay Biyaha wadada ka gooyeen,iyaga oo alaabadooda fudud gacanta ku sita.

 

Darawalada qaarkood ee Gaadiidka ku xayiran duleedka Bari ee Magalada Garoowe ayaa waxaa ay sheegeen inay ka cabsi qabaan in badeecadaha qaar ay goobtaasi ku halaabaan maadaama mudo ku dhow todobaad ay halkaasi ku xayiran yihiin.

 

Madaxda Hay’adda wadooyinka puntland ee (PHA) ayaa sheegtay inay wado qorsho dib loogu hagaajinayo wadooyinka ku burburay roobkii ka da’ay Puntland si ay isugu furmaan Ganacsiyada kala duwan ee deegaanada Maamulkaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment