534 Views

Al-Shabaab oo ka hadashay duqeynta “Itoobiya” ee Hiiraan.

Al-Shabaab oo ka hadashay duqeynta “Itoobiya” ee Hiiraan.
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 1, 2022

Duqeyn ayaa shalau  duhurkii laga soo sheegay inta u dhexeysa Matabaan iyo Beledweyne gaar ahaan aag hoostaga deegaanka Coomaad halkaas indhawaalaba ay isku hor fadhiyeen ciidamada dowladda iyo dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in maanta ay arkayeen diyaarado joog hoose ku duulayey.

Al-Shabaab waxay sheegtay in diyaarad ay leeyihiin ciidamada Itoobiya in aaggaas ay gantaal ku dhufutay.

Waxay sidoo kale sheegtay Al Shabaab in aysan jirin khasaare ka dhashay duqeyntaas.

Ilo ku dhaw-dhaw maamulka degmada Matabaan ayaa BBC u sheegay inay jirto duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday halkaas laakiin ma aysan sheegin cidda fulisay weerarkaas.

Itoobiya weli ma aysan sheegin in duqeyn ay ka fulisay gudaha Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post