948 Views

Maxamuud Sayid Aadan “Waxaan joognaa Goob aan isdifaaci karno”

Maxamuud Sayid Aadan “Waxaan joognaa Goob aan isdifaaci karno”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Khamiis   , March 5 , 2020 —Madaxweyne Ku xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayiid oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in uu ku sugan yahay xadka u dhaxeeya labada waddan, gaar ahaan magaalooyinka xuduudda Mandheera iyo Beled Xaawo.

 

“Waxaan ku sugannahay xaduuda u dhaxeyso Mandheera iyo Beled Xaawo oo ah dhulka la yiraahdo No man’s land, waxaan kusoo boqday ciidanka dowlad goboleedka Jubaland o aaggaas joogaa”, ayuu yiri Maxamuud Sayid.

 

 

 

Wuxuu intaa raaciyay in ciidankii Jubaland ee dhawaan halkaas dagaal ku galay ay ka guureen xeradii ay markii hore deganaayeen, waxaana uu yiri: “waxaan u guurnay xero kale oo isla halkii ah maadaama kii hore uu ahaa goob ay deganaayeen dad rayid ah, kan hadda aan degannahayna waa mid goobaha shacabka ka fog oo haddii nala soo weeraro aan isku difaaci karno”.

 

Waxaa kale oo uu sheegay in khilaaf walba oo ku saleysan doorashada Jubaland ay ahayd in lagu xalliyo hab siyaasadeed, balse aanan ciidan lagu dabaqin.

 

Mar wax laga weydiiyay xiriirka kala dhaxeeya ciidanka Kenya ayuu sheegay inay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo keliya, waxaana uu beeniyay eedeyn uga timid dhanka kale ee Beled Xaawo oo sheegay in ciidanka Kenya ay gacan siiyeen xoogagga Jubaland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment