1668 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Magalada Garoowe

Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Magalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 26, 2019 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta goordhow waxa ay gaareen Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Wafdiga ayaa waxa ay ka qeybgeli doonaan Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,waxana shalay Garoowe gaaray wafdi wasiiro ah oo horudhac u ah wafdiga Madaxweynaha.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,kuxigeenkiisa,Xildhibaano qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa soo dhaweeyay wafdiga Madaxweyne farmaajo,waxaana uu salaan sharaf ka qaatay Ciidamada Bambeyda oo goobta ku diyaarsanaa.

Madaxweynaha waxaa Garoowe kaga sii horeeyay Xubno badan oo ka mid ah mucaaradka dowladda Federaalka,kuwaas oo shalay badankood gaaray Garoowe iyo mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment