570 Views

Golaha wadatashiga qaran oo la kulmi doonna Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha

Golaha wadatashiga qaran oo la kulmi doonna Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha
____________________________________________________________________________

Waxa soo gabagaboobay kulankii maanta hotel Decale ku lahaayeen Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaran ee looga arinsanaya doorashooyinka kaas oo shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay dhammaan madaxda maamul goboleedyadda iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Kulankaan ayaa kusoo dhamaaday natiijo wanaagsan , waxaana maamulada la sheegay in ay gaareen is afgarad horudhac ah.

Maalinta berri ah ayay isku soo laaban doonaan waxaana ay la kulmi doonaan Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

“Kulankii maanta ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, hadda ayuu soo dhammaaday waxaana socda latashiyadii ugu danbeeyay, Berito ayeey isu soo laaban doonaan waxaana qorshuhu yahay inay la kulmaan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Afhayeenka Madaxtooyadda maamulk Puntland.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post