852 Views

Dalka Ghana oo noqday dalkii ugu horeeyay oo hela tallaalka feyriska Corona ee mashruuca tallaalka lacag la’aanta ah lagu gaarsiinayo dalalka sabaoolka ah.

Dalka Ghana oo  noqday dalkii ugu horeeyay oo hela tallaalka feyriska Corona ee mashruuca tallaalka lacag la’aanta ah lagu gaarsiinayo dalalka sabaoolka ah.
____________________________________________________________________________

February 25, /2/ 2021

 Dalka Ghana ayaa noqday dalkii ugu horeeyay oo hela tallaalka feyriska Corona ee mashruuca tallaalka lacag la’aanta ah lagu gaarsiinayo dalalka sabaoolka ah.

Waxaa Arbacadii dalkaasi la gaarsiiyay 600,000 oo kuuro oo ah tallaalka shirkadda AstraZeneca.

Waxaa tallaalkani lagu bilaabi doonaa shaqaalaha caafimaadka ee dalkaasi.

Mashruucan ayaa ha mid tallaalka lagu gaarsiinayo dalalka aan awoodin inay tallaalka soo iibsadaan si uusan ugu ekaan oo kali ah dalalka hormaray.

Mashruucan ayaa waxaa la qorshaynayaa in 2 bilyan oo irbadood lagu gaarsiiyo dalalka saboolka ah dhamaadka sanadkan.

Dalka Ghana, oo shacabka ku nool ay tiradooda ay kor u dhaafeyso 30 milyan, ayaa loo soo xushay in uu noqdo dalkii ugu horeeyay ee la gaarsiiyo tallaalkan bilaashka ah ka dib markii ay xukuumadda dalkaasi ka soo baxday shuruudihii loo baahnaa.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in dabayaaqada toddobaadkan tallaalkani lacag la’aanta ah la gaarsiiyo dalka dariska la ah ee Ivory Coast, sida ay shaacisay daladda mashruuca qeybinta tallaalka.

Tallalka ayaa lagu wadaa in dalka Ghana uu ka bilaabmo toddobaadka soo socda.

Waxaa mudnaanta la siin doonaa shaqaalaha caafimaad, dadka waayeelada ah ee ay da’dooda ka sareyso 60 jir iyo dadka qaba xanuunada halista ah

Tallalkan la geeyay Accra ayaa waxaa soo saartay shirkadda AstraZeneca iyo jaamacdda Oxford.

Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa horey u ansixisay tallaalkan.

Tallaalka la geynayo dalalka saboolka ah sida Ghana ayaa waxaa lagu maalgaliyay lacag ay bxiiyeen dalalka iyo hey’adaha deeq-bixiyayaasha.

Lacagaha kale ee ku baxaya tababarka shaqaaaha caafimaadka, gaadiidka iyo in tallaalka la dhigo goob lagu keydiyo ayaa waxaa bixinaya hay’daha la bahoobay daladda tallaalka lacag la’aanta ah gaarsiinaysa dalalka oso koraya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post