723 Views

Kulan looga hadlayo Mustaqbalka Ciidamada AMISOM oo Muqdisho ka furmay

Kulan looga hadlayo Mustaqbalka Ciidamada AMISOM oo Muqdisho ka furmay
____________________________________________________________________________


Talaado: November 9, 2021

Waxaa Gudaha Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho uu kulan uga socdaa Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb, Francisco Madeira & Wafdi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika (AU-PSC) oo booqasho shaqo shalay Gelinkii dambe ku yimid magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa mustaqbalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo sidii Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ay amniga dalka ugala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM.

Xubnaha Wafdiga ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa waxaa hoggaaminaya Safiirka Masar u fadhiya dalka Itoobiya ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika, Danjire Dr. Maxamed Cumar Gad , waxaana warbixin laga siiyay xaaladda siyaasadda iyo amniga Soomaaliya iyo taageerada AMISOM ee ku aaddan doorashooyinka socda.

Maalmaha uu kulanka socdo ayaa waxaa sidoo kale ku biiri doona Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo ay xusid mudan tahay in bilihii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay isku fahmi waayeen habka loo wajahayo Mustaqbalka AMISOM iyo la wareegitaanka Ciidamada dowladda Soomaaliya ee amniga dalka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post