393 Views

Golaha sare ee Islaamka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo soo saarey bayaan

Golaha sare ee Islaamka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo soo saarey bayaan
____________________________________________________________________________

Isniin: July 25, 2022

Golaha sare ee arrimaha Islaamka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa soo saarey war murtiyeed ay ku cambaareynayaan dagaalka ay Alshabaab kusoo qaadey dalka Itoobiya.

Al Shabaab ayaa weerar ku qaadey tuulooyinka dhaca xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya horaantii todobaadkan, iyadoo ay isaga hor yimaadeen dagaal fool ka fool ah ciidamada Liyuu booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Inkastoo ay halkaasi wararka kasoo baxaya is badbadalayaan, ayaa haatan ciidamada Liyuu booliisku waxey sheegeen in ay dib isaga waabiyeen dagaal yahanada Al Shabaab.

Sidoo kale, cambaareynta ayaa waxaa qeyb ka ahaa Maxkamadda Shareecada, iyo odayaasha dhaqanka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post