495 Views

Kooxda Falastiiniyiinta Islamic Jihaad oo 100 gantaal ku garaacay Israa’iil

Kooxda Falastiiniyiinta Islamic Jihaad oo 100 gantaal ku garaacay Israa’iil
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 7, 2022

Xoogagga Falastiiniyiinta ee ka tirsan garabka Islamic Jihad ayaa tobonnaan gantaal ku tuuray Israa’iil taasi oo jawaab u ahayd duqeymaha Israa’iil ee marinka Qaza ee lagu dilay taliye ka tirsan kooxdaasi , iyo sidoo kale 9 qof oo kale.

Saraakiisha ururka falastiiniyiinta ee Islaamig Jihaad ayaa sheegay in ilaa 100 gantaal ay ku rideen gudaha Israa’iil.

Waxaa ay intaa ku dareen in gantaaladani ay ku dhaceen meelo ay ka mid tahay magaalada Telaviv iyo magaalooyiin kale.

Warbaahinta Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in ilaa iyo 70 gantaal lagu soo tuuray dhanka Israa’iil.

Qaar badan oo madaafiicda la soo riday ka mid ah ayaa waxaa qabtay gantaalada ka hortaga madaafiicda ee israa’iil.

Waxaa la maqlayay dhawaqa ganbaleelka digniinta iyo kan gawaarida gurmadka degdega ah. Dhanka kale, Xamaas oo maamusha Marinka Gaza ayaa sheegtay in kooxaha hubeysan ay ku mideysan yihiin dagaalka, isla markaana aysan ka aamusi doonin waxa socda.

Mar sii horeysay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa waxaa ay magaalada Qaza ka fuluiyeen duqeymo.

Duqeymahaasi ayaa waxaa ugu yaraan ku dhintay ilaa 10 qof oo falastiiniyiin ah. Dadka duqeymaha Israa’iil lagu dilay waxaa ka mid ahaa hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Islaamig jahaad oo lagu magacaabo Tayseer Jabari .

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa sheegay in ay “u qiyaasayaan in ilaa 15” mintidiinta ka tirsan lagu dilay weerarka ay ka fuliyeen magaalada Qaza.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa dsheegay in howlgalku uu daba socday “halis degdeg ah” oo ka soo wajahday kooxda Islamic Jihad ee Falastiiniyiinta ka dib markii la xiray mid ka mid ah xubnaheeda horraantii toddobaadkan.

Weerarrada ay dadka kudhinteen ee Israa’iil ayaa yimid ka dib markii ciidamada Israel ay xireen Bassam al-Saadi, oo ahaa xubin sare oo ka tirsan kooxda hubaysan ee Islaamig Jihaad, horaantii isbuucaan.

Arrintan waxay sare u qaadeen cabsida laga qabo dagaal kale oo ay Israel ku qaado Gaza, 15 bilood uun ka dib dagaal socday muddo bil ah oo ay ku dhinteen in ka badan 260 qof.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post