456 Views

Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida oo Jigjiga ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida oo  Jigjiga ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 8, 2022

Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa Jigjiga ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Casbdicasiis Maxamed Laftagareen.

Kulankan ayaa imaanaya kadib dagaalo culus oo ka dhacay xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya iyo weliba gudaha Itoobiya kadib markii boqolaal Malayshiyaadka al-Shabaab ay galneen dhamaadkii bishii hore.

Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cumar ayaa qoraal uu ku soo dhaweynaayo Laftagareen ku faafiyey bogiisa Twitterka waxaana uu ku qorey lahfajdda Maayga waxaana uu yiri:

Madewayne Hadhawaaw. Wali ka farahsanaa inii hakii dhawaay Jigjiga. Shi’ibka Koonfur Galbeed Soomaaliyana wali lahaa ay tirinney magaage isla tiiriney.

MUSTAFE CAGJAR

Qoraal ka soo baxay Jigjiga ayaa lagu faahfaahiyey kulankan waxaana lagu yiri:

“Iyada oo laga duulayo heshiiska iskaashi ee dhanka amniga ee ka dhexeeya labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa kulan ku dhexmaray Madaxweynaha DDS iyo dhiggiisa Dowladd-goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, kulanka ayaa salka ku hayo sidii Alshabaab looga sifeyn lahaa xuduudda ay wadaagaan labada deegaan.”

Labada dhinac ayaa isla gartey sidii wadajir amniga looga shaqeyn lahaa si looga sifooyo gobolka al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiya ayaa gobolada xuduudka la leh dalkooda ka wada dhaq-dhaqaaq mileteri kadib hanjabaadihii al-

Ciidamada Itoobiya ayaa gobolada xuduudka la leh dalkooda ka wada dhaq-dhaqaaq mileteri kadib hanjabaadihii al-Shabaab.

Shabaab.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post