1131 Views

Rooble oo xilka ka qaaday taliye ku xigeenka NISA iyo Saraakiil kale

Rooble oo xilka ka qaaday taliye ku xigeenka NISA iyo Saraakiil kale
____________________________________________________________________________

Ra’iisulwasaaraha XFS oo ka jawaabaya tallaabadii muwaadiniin Soomaaliyeed looga horjoogsaday in ay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde,ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA  Cabdullaahi Kullane & taliyihii Nabad Sugidda ee groonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sh Cali.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in dhammaan muwaadiniinta aan laga horjoogsan karin Garoonka Aadan Cadde iyo guud ahaan Soomaaliya.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Haaji Macaliow ayaa Saaka mar kale loo diiday in uu ka dhoofo garoonka diyaaraddaha ee magaalada Muqdisho xilli uu kusii jeeday degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Waxaa uu sheegay in ay tahay markii Afraad ee loo diido garoonka, islamarkaana falkaasi ay ka dambeeyaan Farmaajo iyo taliye ku xigeenka hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Kulane.
Kulane iyo Saraakiisha kale ayaa jabiyay amarkii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka dib markii maanta muwaadiniin ay ka garoonka hor istaageen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post