762 Views

Labo xildhibaan oo cusub oo ku biiray baarlamaanka Somaliland

Labo xildhibaan oo cusub oo ku biiray baarlamaanka Somaliland
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 22|  2020—Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa dhaariyey laba xildhibaan oo ka mid noqon doona golaha Wakiilada Somaliland .

Labadan Xildhibaan ayaa kala ah .

Xil. Axmed Cabdi Muuse Cige ( Axmed ini ) oo buuxiyey booskii xildhibaan-nimo ee uu ka geeriyoodey Marxuum Xil. Cabdikariin Aw-Cali Shabeel

Xasan Xuseen Maxamed Yoonis ( Cod yare ) oo isna buuxiyey booskii xildhibaan-nimo ee uu ka geeriyoodey Marxuum Xil. Axmed Cabdi Kaahin.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa dhaarta ka dib kula dardaarmay in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadkaaga loo igmaday.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post