552 Views

Madaxweyne Biden: “Putin wuxuu go’aansaday in uu weeraro Ukraine”

Madaxweyne Biden: “Putin wuxuu go’aansaday in uu weeraro Ukraine”
____________________________________________________________________________


Sabti: February 19, 2022

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin uu go’aansaday in uu weerar ku qaado dalka Ukraine.

Wuxuu intaa ku daray in weerarka uu dhici karo maalmaha nagu soo aadan.

Biden wuxuu sheegay in qiimeynta lagu saleeyay sirdoonka Mareykanka oo soo jeediyay in magaalada caasimadda ah ee Kiev uu Ruushka la beegsanayo.

Maraykanku waxa uu ku qiyaasay in 169,000-190,000 oo Ruush ah inay ku sugan yihiin gudaha iyo agagaarka Ukraine, tiradaas oo ay ku jiraan dagaalyahannada uu Ruushku taageero ee ku sugan jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday gooni isu taageeda ee Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine.

Khudbad uu ka jeediyay Aqalka Cad, madaxweyne Biden wuxuu ku sheegay in Mareykanku uu haysto “sabab uu ku aamino” in ciidamada Ruushka “ay damacsan yihiin isla markaana ay doonayaan inay weeraraan Ukraine toddobaadka soo socda ama maalmaha nagu soo aadan”.

“Ilaa iyo hadda, waxaan rumeysanahay in Ruushka uu go’aankaas qaatay” ayuu Biden hadalkiisa sii raaciyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post