687 Views

Ciidamada jooga isgoyska Ex-Control Balcad oo toogtay nin Hubeysan oo Weerar ku soo qaaday

Ciidamada jooga isgoyska Ex-Control Balcad oo toogtay nin Hubeysan oo Weerar ku soo qaaday
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 8, 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dil ay Ciidamada amaanka u geesteen nin ka tirsan Al-shabaab agagaarka isgoyska Ex-Control Balcad, oo Weerar ku soo qaaday

Ciidamadan Fariisinka u ah  Ex-Control Balcad, ayaa waxay  toogteen nin hubeysnaa oo la sheegay inuu doonayey inuu weerar ku soo qaado ciidanka amaanka ee jooga halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay toogteen ninkaasi oo watay qoray AK47 ah, kadib markii uu isku dayey inuu rasaaseeyo ciidamada Booliska ee ilaalada ka haya dhismaha ka socda wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Sidoo kale Taliska Boolisk Soomaaliyeed oo ka hadlay dhacdadan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ninka la toogtay uu ka tirsanaa Al-Shabaab, isla-markaana uu doonayey inuu carqaladeeyo amniga wadadaasi oo ay waardiyo ka hayaan ciidamo ka tirsan ammanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post