1317 Views

Sacuudiga Oo Badbaadiyey Badmaaxiin La Socotay Markab

Sacuudiga Oo Badbaadiyey Badmaaxiin La Socotay Markab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 02, 2019 – Hadal ka soo baxay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalkaasi waxay sheegeen inay waaberigii hore ee saakayto oo Khamiis ah soo badbaadiyeen 26 shaqaale la socday Markab waday shixnad Shidaal oo Iiraan laga lahaa, kaasi oo ku cilladoobay meel 70 KM dhanka Koonfurta kaga toosan Dekedda Islaamiga ee magaalladda Jidda ee kaabiga ku haysa badda Cas.

Markabkaasi oo lagu magacaabo Happiness 1 waxaa saarnaa 24 shaqaale Iiraaniyiin ah iyo 2 u dhalatay Bangaladesh.

Dhinaca kale, Diyaaradaha Isbahaysiga Sacuudiga waxay  duqeymo la beegsadeen Saldhiga Ciiddanka Cirka ee Al-dulaymi oo u dhow Garoonka Calamiga ee Diyaaradaha ee caasimadda dalka Yemen ee Sanca.

 

Duqeymahaasi ayaa lala eegtay Dhismo laga hago Diyaaradaha Darooniska iyo  Xaruun ay Khubarada Xuutiyiinta ka hawl-galaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment