459 Views

Qaramada Midoobay oo kulan deg-deg ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo kulan deg-deg ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 7, 2022

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan xog-wareysi ah oo al-baabadu u xiran yihiin ka yeelan doonaan Xaaladaha ka tagaan dalka Soomaaliya.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Fiona Lortan iyo Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber ayaa golaha warbixin siin doona xaaladda Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ayaa kordhiyay kulamada gaarka ah ay ka yeelanayaan arrimaha Soomaaliya, bilihii ugu dambeeya ee fadhiyadaas dhaceen waa 6dii bil ugu horreysay ee sanadkaan 2022.

Kulankan waxa uu kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah Al-shabaab iyo sidoo kale xaalad macluul daran oo la saadaaliiyay.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post