906 Views

Ra’iisul wasaarihii hore ee Mali oo lagu soo taagay eedeymo musuqmaasuq oo geeriyooday isagoo 67 jir ah.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Mali  oo lagu soo taagay eedeymo musuqmaasuq oo geeriyooday isagoo 67 jir ah.
____________________________________________________________________________

Talaado: March 22, 2022

Ra’iisul wasaarihii hore ee Mali Soumeylou Boubèye Maïga, oo maxkamad lagu soo taagay eedeymo musuqmaasuq oo loo taxaabay xabsi ,ayaa geeriyooday isagoo 67 jir ah.

Mr Maïga ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada caasimada ah ee Bamako, sida ay sheegeen qoyskiisa.

War qoraal ah oo ay dowladdu soo saartay ayay ku sheegtay in uu u dhintay “xanuun muddo dheer hayay” waxayna tacsi u dirtay qoyskiisa.

Mr Maïga ayaa la xiray bishii Ogosto ee sanadkii hore, waxaana xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu helay eedeymo la xariira in uu musuq maasuqay lacago lagu soo ibin lahaa diyaarado.

Waxa uu iska casilay xilka ra’iisul wasaarenimo ka dib carro ka dhalatay dilka 160 qof oo Fulani ah bishii Abriil 2019-kii ee deegaanka Ogossagou ee gobolka Mopti.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post