657 Views

Xubnaha Xisbiga Jamhuuriyiinta oo ku taageeray Madaxweyne Trump dacwadaha Joe Biden ee Doorashada..

____________________________________________________________________________

Xubnaha ugu sarreeya Jamhuuriyiinta ayaa ku taageeray madaxweyne Donald Trump, dacwadaha uu ka gudbiyay tirinta codadka qaar ka mid ah gobollada loogaga guuleystay, doorashadi madaxtinimo ee horraanti bishaan ka dhacday Mareykanka.

Trump ayaa rajo ka qaba in dacwadaha uu u gudbiyay maxkamadaha ay u diidaan guusha la saadaaliyay inuu doorashada ku guuleystay, Joe Biden oo ah madaxweyne ku xigeenki hore ee Mareykanka.

Guddoomiyaha Aqlabiyadda ee Goolaha Senetka Mitch McConnell iyo Guddoomiyaha Xildhibaanada laga tirada-badanyahay ee Aqalka Wakiillada Kevin McCarthy, ayaa sheegay in Trump uu ku saxsanyahay inuusan aqbalin natiijada doorashada illaa si rasmi ah looga caddeynayo in aysan dhicin wax-isdabamarin ah.

Dhanka kale, ninka loo saadaaliyay inuu ku guuleystay doorashada madaxtinimada Mareykanka, Joe Biden ayaa Talaadadi wariyaasha u seegay, in qirasho la’aanta Trump ee guuldarrada doorashada ay tahay yaxyax iyo waji-gabaxnimo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post