2379 Views

Taliska la dagaallanka Burcad Badeedda Somalida oo loo wareejinayo Spain

Taliska la dagaallanka Burcad Badeedda Somalida oo loo wareejinayo Spain
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 25, 2018 – Dowladda Spain ayaa ku rajo weyn in Xarunta ugu weyn ee la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaalida ah laga furo dalkeeda kaddib markii Dowladda UK ay go’aansatay in ay isaga baxdo Midowga Yurub.

Spain ayaa ku dadaaleysa in ay ku guuleysato in xaruntu noqoto Caasimadda Madrid,waxaa ay tartan kala kulmeysaa Waddamo  uu ka mid yahay Talyaaniga,kaas oo isna rajeynaya in xarunta la dagaallanka Midowga Yurub laga dhigo dalkiisa.

Spain ayaa qorsheyneysa in xarunta Howlgalka EUNAVFOR Atalanta operation ,ee la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaalida ay ka dhigto magaalada ku taalla Koofurta dalkaas ee  Rota,halkaas oo sidoo kale uu saldhig Milatari ku leeyahay Dalka Mareykanka.

Sidoo kale Dalka Netherlands,ayaa ka mid ah waddamada daneynaya in saldhigga ugu weyn howlgalka la dagaallanka burcad badeedda Soomaalida ay marti geliyaan.

Howlgalkan waxaa la sameeyay 2008dii markaas oo burcad badeedda Soomaalida ay weerarro badan ka geysanayeen Xeebaha Soomaaliya,Gacanka Carabta iyo Badweynta Hindiya,waxaana xaruntiisu tahay Northwood oo ku taalla duleedka Magaalada London.

Wasiirka Difaaca dalka Spain, Maria Dolores Cospedal,ayaa sheegay in dalkiisu uu yahay midka ugu dhow qabashada iyo marti gelinta saldhiggaas maaddaama uu ka dhigayo magaalo jiho ahaan ku wanaagsan la dagaallanka Burcad Badeedda Sidoo kalena saaran Badda.

Howlgalkan waxaa uu adeegsadaa Maraakiibta ay ka duulaan diyaaradaha dagaalka,kuwa Helicopters-ka,Ciidamada gaarka ah ee Midowga  Yurub iyo Doomaha yar yar ee xawaaraha dheereeya.

Howlaglkan waxaa uu horay u sheegay in 95% laga adkaaday burcad Badeedda Soomaalida,howlgalladooduna ay hoos uga dhaceen sidii ay ahaayeen markii la billaabayay,hadda waxaa ay Burcad Badeed xoog leh ka jirtaa galbeedka Afrika.

.

W/Q:-Bashiir Barre Ali

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment