900 Views

Booliska Somalia oo sheegay in la afduubtay Doon siday waxyaabaha Maanka dooriya

Booliska Somalia oo sheegay in la afduubtay Doon siday waxyaabaha Maanka dooriya
____________________________________________________________________________

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Fitaax Aadan Xasan ayaa faah faahin ka bixiyay dhacdo afduub ah oo dhawaan Doon siday mukhaadaraad loogu geystay degaano ka tirsan Gobolka Bari ee Maamulka Puntland.

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in 8-dii bishaan Maarso inta u dhaxeysa Xeebaha Xaafuun iyo Ayl ee Gobolka Bari lagu afduubtay doon siday waxyaabo muqaadaraad ah.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in Doonta uu waday naaquude u dhashay dalka Yemen iyo 3 qof oo Soomaali ah balse ay is khilaafeen marka ay soo gaareen Xeebaha Soomaaliya intaas kadibna ay  afduubteen doontii Saddexdii qof ee Soomaalida ah.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya ay ku daba jiraan dhacdadaan , wuxuuna tilmaamay in raga wada doonta ay usoo gudbeen badwaynta Hidniya

Ugu dambeyn  Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Fitaax Aadan Xasan wuxuu sheegay in xiligaan Soomaaliya aysan ka jirin wax burcad badeed ah, isaga oo  beeniyay warar laga qoray oo kusaabsan burcad Badeeda.

War kaan kasoo yeeray Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ay dagaal kula jiraan waxyaabaha maanka dooriya, balse weli meelo badan oo dalka ah laga soo gelinayo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post