1491 Views

Sawirro:- Qodobo Laga Soo Saaray Shir Gudoonka Rugaha Ganacsiga Dalka Uga Socday Magaalada Garoowe

Sawirro:- Qodobo Laga Soo Saaray Shir Gudoonka Rugaha Ganacsiga Dalka Uga Socday Magaalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 03, 2019 Rugta Ganacsiga Qaranka, oo ah gole ay ku midaysanyihiin rugaha ganacsiga maamul goboleedyada iyo Rugta Ganacsiga Gobolka Banadir, waxaa Garowe ugu soo dhammaaday shir ay ku dhan yihiin guddoonka Rugaha Ganacsiga ee dalka. Shirkan oo soconayey bisha May 1–deeda ilaa 2–deeda, waxaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya rugaha loona horumarin lahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha oo ay xubno ka yihiin ganacsatada Somaliyeed noocyadooda kala duwan, waxaa ka go‘an horumarinta ganacsiga dalka. Sidaa darted, arrimaha shirkan xoogga lagu saaray waxaa ka mid ah suuq geynta wax–soo–saarka dalka, iyo sidii shirkadaha Soomaaliyeed uga qayb–geli lahaayeen carwooyinka iyo bandhigyada lagu qabto suuqyada heer gobol iyo heer caalamiba.

Waxaa kale oo arrimaha shirka looga hadlay ka mida ahaa sida nidaamka dowladeed ee dalka (heer federal iyo mid maamul goboleed) iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha iskaga kaashan lahaayeen sidii ganacsatada Soomaaliyeed ay ula falgali lahaayeen nidaamka ganacsi ee heer caalami.

Kadib wadatashi qoto dheer oo lagu falanqeeyey arrimaha kor ku xusan, waxaa hoggaanka Rugta ganacsiga Qaranka, Rugaha Maamul Goboleedyada iyo rugta ganacsiga Gobolka Banadir guddoomiyeen:

  1. 1. Mideynta noocyada shahaadooyinka rugaha ganacsigu bixiyaan sida :–B shahaadada

unkidda (certificate of origin), shahaadada xubunimada shirkadaha, iyo cardka aqoonsiga rugaha.

  1. 2. In Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha iyo daneeyayaasha Soomaaliya iska kaashadaan

horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo arrimaha gargaarka aadamaha.

  1. 3. In Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ay hormuud u noqoto hagidda

wadatashiga horumarineed iyo maalgashi ee uu dhexeeya ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo ha‘aydaha dawliga ah (PPD).

  1. 4. In shirkadda gaarka loo leeyahay ee Asal Consulting ay kala shaqayso Rugta Ganacsiga

iyo Warshadaha Soomaaliyeed horumarinta iyo tayaynta rugaha ganacsiga ee dalka.

  1. 5. Xoojinta habsami u socodka hawlaha shaqo ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha

Soomaaliyeed.

GALMUDUG CHAMBER OF COMMERCE A INDUSTRI CHAMBER

BLIGNAL

Jubaland

PUNTLAND CHAMBER OF COMMERCE AND INDUSTRIES

Southwest State of Somalia

HIIRSHABELLE

SOMALI

  1. 6. In Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya soo qabanqaabiso

dhammaadka bisha June, 2019 madal wadatashi oo lagu gorfeeyo horumarinta dhaqaalaha dalka laguna marti qaado daneeyayaasha Soomaaliya gudaha iyo dibaddaba.

 

  1. In Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaliya si mug leh uga qaybqaadato

pomidda shirka maalgashiga Puntland, ee dhacaya bisha August 2019.

 

  1. In shirkadda Adeegsan loo xilsaaro diyaarinta buugga kheyraadka dalka iyo buugga

fursadaha ganacsi ee dalka.

 

Haddaba Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya waxay ku baaqaysaa:

 

  1. In hay‘adaha dawladdu dib u nooleeyaan carwooyinkii iyo banddhigiyadi ganacsiga

dalka, dibna u hawl geliyaan carwada qaranka si loo xoojiyo koboca ganacsiga iyo wax

 

soo saarka dalka. 2. In la aas–aasso sanduuq lagu hormarinayo ganacsatada yaryar ee dalka.

 

Sidoo kale Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa

 

  1. In dalka laga hirgeliyo heshiisyada lagu hormarinayo ganacsiga iyo ilaha dhaqaale ee

dalka, sida aagagga gancsiga xorta ah (free trade zone).

 

g

 

og

 

Rugta Ganacsiga & Warshadaha Soomaliya

 

Rugta Ganacsiga Puntland

 

Rugta Ganacsiga Jubbaland

 

Rugta Ganacsiga Banaadir

 

ABDI NASIR A. MOHAMED

 

Rugta Ganacsiga Konfur Galbeed

 

Rugta Ganacsiga Galmudug

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment