927 Views

Akhriso:-Qodobada looga hadlayo kulanka Maanta ee Golaha Shacabka

Akhriso:-Qodobada looga hadlayo kulanka Maanta ee Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 19,, 2019  –Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah taariikhduna ku beegan tahay 19/6/2019 waxaa ay Xaruntooda ku yeelanayaan Kulankoodii caadiga ahaa ee Kal-fadhiga Shanaad.

Ajandaha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay aqrinta 3-aad hindise sharciyeedka maamulka maaliyadda,waxaaana kulanka goobjoog ka noqon doona Xubno ka socda Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in uu jiro Maanta kulanka Golaha,isla markaana looga baahan yahay inay soo xaadiraan,waqtigana dhamaantood wada ilaaliyaan.

Kulankii ugu dambeeyay ee Isniintii ay yeesheen Xildhibaanada ayaa Akrinta koowaad  waxa ay marsiiyeen wax  ka bedelka sharciga Iibka Qaranka, iyada oo xildhibaanada sidoo kale loo qeybiyay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq maasuqa.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa inta ay ku guda jiraan Kal-fadhiga 5aad ayaa waxaa weli horyaalla Ajandayaal dhowr ah oo la doonayo inay meel mariyaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment