1587 Views

Sawirro:-Jubbaland Oo Faah Faahisay Weerar Lagu Qaaday Baar-Sanguuni

Sawirro:-Jubbaland Oo Faah Faahisay Weerar Lagu Qaaday Baar-Sanguuni
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 19, 2019 –Iyadoo saakay aroortii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar qarax ku bilaawday ku qaadeyn fariisimo ciidamada Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ay ku leeyihiin Deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxaa ka hadlay weerarkaasi gaadmada ahaa Maamulka Jubbaland.

Warbaahinta ku hadashada afka maamulka Jubbaland ayaa iyada oo soo xiganaya Saraakiisha Ciidamada Maamulkaasi, waxa ay baahisay in Dagaalyahanadii Shabaab ka tirsanaa ee soo weeraray saldhigooda ay khasaare xoogan gaarsiiyeen.

“Shabaab waxaa weerarkii saakay kaga dilnay 73 askari waxaana sidoo kale ka fashilinay oo aan ka hor tagnay gaari kale oo walxaha qarxa ay kasoo buuxiyeen, waana qarxinay gaarigaai ugu dambeyn” ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha afka Maamulka Jubbaland.

Shabaab ayaa iyana dhankooda sheegtay in weeerarkii saakay ay ku qaadeyn fariismada Baarsanguuni ay khasaare xoogan u geysteen ciidamadii fariiimahaasi ku sugnaa, ayna la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi, sida ay sheegteyn.

Marka laga soo tago sheegashada labada dhinac ee Shabaab iyo Jubbaland ma jirto ilo ka madax banaan oo xaqiijinaya sheegashadooda.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment