642 Views

Wasiirka arrimaha gudaha dib-u-hishiisnta Soomaaliya Generaal Mukhtar oo kulan la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida Hiiraan..

Wasiirka arrimaha gudaha dib-u-hishiisnta Soomaaliya Generaal Mukhtar oo  kulan la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida  Hiiraan..
____________________________________________________________________________

Wasiirka arrimaha gudaha dib-u-hishiisnta iyo federaalka ee dowladda Soomaaliya Generaal Mukhtar Xuseen Afrax ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida gaar ah ciidamada xooga dalka,kuwa Booliska maamulka gobolka hiiraan iyo kan degmada Baladweyne.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada ka taagan magaalada baladweyne iyo sidii layskaga kaashan lahaa nabadda iyo xasiloonida .

Generaal Mukhaar ayaa warbixin ka dhageystay laamaha amniga waxaana uu ku xoojiyay in muhiimada koowaad in la siiyo amaanka iyadoo la kaashanayo bulshada.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sidooo kale waxa uu kormeeray qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Baladweyne.

Dhinaca kale shir maanta ay yeesheen wasiirka Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax iyo odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa laysku raacay in maalinta berri ah ay shirka kusoo biiraan madaxda hirshabeelle ee ku sugan magaalada Baladweyne gaar ahaan madaxdweyne ku xigeenka Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo guddoomiyaha barlamaanka Hirshabeelle Dr-Cabdi Xakiim Luqmaan Xaaji Muxumad.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post