1008 Views

Guddoomiye Shuute oo ka digay isku dhacyada Ciidamada Dowladda

Guddoomiye Shuute oo ka digay isku dhacyada Ciidamada Dowladda
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 10 2020
—Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa digniin culus kasoo saartay dagaalada dhex-mara Ciidamada ka wada tirsan dowladda ee ka dhaca Gobolada dalka & Gobolka Banaadir, kaas oo khasaaro kasoo gaara dadka Shacabka ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in dadka Shacabka aysan mudneyn in dushooda lagu dagaalama, isla markaana ay ka badbaadaan gacanta Ciidamada.

Isaga oo ku sugan Gobolka Gedo ayuu sheegay in in marnaba aan la aqbaleyn in Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo, iyaga oo jooga inay Ciidamada dagaalamaan,waxaana uu sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan Askartii ku dagaalantay degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka ayaa waxaa kusoo laab laabtay isku dhacyada Ciidamada Dowladda dhexdooda ah,waxaana inta badan khasaaro ay kasoo gaartaa dadka Shacabka ah.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post