321 Views

Ra’isul wasaaraha Britain Liz Truss oo soo xushay gole wasiirro oo nin caddaan ahi ku jirin afarta wasiir ee ugu wayn Wasiirada.

Ra’isul wasaaraha Britain Liz Truss oo  soo xushay gole wasiirro oo nin caddaan ahi ku jirin afarta wasiir ee ugu wayn Wasiirada.
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 7, 2022

Ra’isul wasaaraha cusub ee Britain Liz Truss, ayaa soo xushay gole wasiirro oo markii ugu horraysay nin caddaan ahi aanu qaban doonin mid ka mid ah afarta jago ee ugu muhiimsan ee dalkaas.

Truss ayaa u magacawday Kwasi Kwarteng – oo waalidkiis ay ka timaadeen dalka Ghana 1960-meeyadii – in uu noqdo wasiirkii maaliyadda ee ugu horreeyay ee Madow ee Britain, halka James Cleverly uu yahay wasiirkii arrimaha dibadda ee ugu horreeyay oo Madow ah.

Cleverly, oo hooyadiis ay kasoo jeeddo dalka Sierra Leone, aabihiina uu yahay caddaan, ayaa marar hore ka hadlay in la cunsuriyeeyay isaga oo ay iska dhaleen caddaan iyo madow, waxaanu sheegay in xisbigiisu ay tahay inuu wax badan ka qabto sidii uu u soo jiidan lahaa codbixiyayaasha Madowga ah.

Suella Braverman, oo waalidkeed ka yimaadeen Kenya iyo Mauritius lixdan sano ka hor, ayaa bedeli doonta Priti Patel oo ah xoghayaha arrimaha gudaha, ama wasiirka arrimaha gudaha, halkaas oo ay mas’uul ka noqon doonto booliiska iyo socdaalka.

Dowladaha Ingiriiska ayaa ilaa dhawr iyo toban sano ka hor waxa ay ka koobnaayeen rag caddaan u badan, iyada oo qaadatay ilaa lagaa soo gaaray sanadkii 2002 in Britain ay soo magacawdo wasiirkeedii ugu horreeyay ee qowmiyadaha tirada yar markii Paul Boateng loo magacaabay xoghayaha guud ee maaliyadda.

Si kastaba ha ahaatee, qaybaha sare ee dowladda, garsoorka, shaqaalaha, iyo ciidamada ayaa weli u badan caddaan.

Reuters.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post