843 Views

Dalalka Turkiga iyo Qatar oo War ka soo saaray xiisadda ka taagan Dalka Tuunis.

Dalalka Turkiga iyo Qatar oo War ka soo saaray xiisadda ka taagan Dalka Tuunis.
____________________________________________________________________________

Talaado: july 27 2021

Madaxtooyada dalka Turkiga ayaa maanta canbaareysay go’aankii madaxweynaha dalka Tuunis uu xilka uga qaaday ra’iisal wasaarihii dalkaas sidoo kalena uu ku joojiyay howlihii baarlamaanka dalkaas. Dowladda Turkiga ayaa ku tilmaantay  tillaabadaas mid ka dhan habsami usocodkii dimuquraadiyeenta dalka Tuunis.

Afhayeenka madaxtooyada  Turkiga Ibraahim Kaalin ayaa sheegay in dowladdiisu diidan tahay in rabitaanka shacabka Tuunis la dhinac maro , iyadoo  la carqaladeynaayo  dimuquraadiyadda  dalka Tuunis.

Dhanka kale, dowladda Qatar ayaa ugu baaqday dhinacayada siyaasiyiinta iyo madaxda dowladda Tuunis inay ka baaqsadaan wax dhibaato u keeni kara dalka iyo dadka Tuunis.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa loogu baaqay  siyaasiyiinta reer Tuunis inay khilaafka jira ku dhameeyaan wada hadal si looga gudbo dhibaatada  ka jirta dalka

Madaxweynaha Tuunis Qeys Saciid ayaa xalay xilka ka qaaday ra’iisal wasaarihii dalkaas isagoo sidoo kalena joojiyay dhammaan howlihii baarlmaanka.

Xisbiga ugu weyn dalka Tuunis ee lagu magacaabo Al-nahda  ayaa ku tilmaamay  go’aanka  madaxweynaha mid baalmarsan sharciga dalka u yaal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post