1425 Views

Boqorada UK oo la kulantay intii ay joogtay Qasriga 12 madaxweyne oo Mareykan ah

Boqorada UK oo la  kulantay intii ay joogtay Qasriga  12 madaxweyne oo Mareykan ah
____________________________________________________________________________

June 4 2021

Boqoradda ayaa madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo marwada koowaad Jill Biden toddobaadka soo socda, la kulmi doonta, sida uu shaaciyay qasriga Buckingham.

Kulankan oo ka dhacaya Qasriga Windsor maalintii Axada ee taariikhdu tahay 13-ka June wuxuu ku soo beegmayaa dhamaadka booqashada Mr Biden ee Britain ee shirka G7 ee hogaamiyaasha wadamada ugu dhaqaalaha fiican adduunka.

Mr Biden wuxuu noqonayaa madaxweynihii 12aad ee Mareykan ah ee ay boqoradda la kulanto.

Waxay kula kulantay madaxweynihii isaga ka horeeyay Donald Trump iyo marwada koowaad Melania Trump qasriga Buckingham sannadkii 2019-kii.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmi doona Ra’iisel Wasaare Boris Johnson 10ka Juun “si loo xaqiijiyo xoojinta xiriirka joogtada ee gaarka ah ee u dhexeeya Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska”, ayuu yiri Aqalka Cad.

Boqoradda, oo 95 jir ah, ayaa markii ugu horreysay la kulantay madaxweyne Mareykan ah oo xilka haya, iyadoo dhaxal suge ah 1951-gii. Wuxuu ahaa madaweyne Harry S Truman.

Tan iyo markaas waxay la kulantay dhammaan hoggaamiyeyaashii la doortay ee Mareykanka muddadii 69-ka sano ahayd ee ay qasriga ku jirtay, marka laga reebo Lyndon B Johnson.

Biden iyo afadiisa waxay tacsi u direen Boqorada geeridii ku timid ninkeedii, bishii Abriil.

Lamaanahan ayaa sheegay inay qoyska boqortooyada ku hayaan “qalbiyadooda”.

Kulanka G7 ee Cornwall wuxuu noqonayaa safarkii ugu horreeyay ee ka baxsan Mareykanka ee Mr Biden, maadaama fayraska corona uu ka hor istaagay inuu u safro meel ka baxsan Mareykanka tan iyo markii uu xilka la wareegay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post