1350 Views

Farmaajo oo dhambaal u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Jabuuti

Farmaajo oo dhambaal u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Jabuuti
____________________________________________________________________________


Muqdisho, April 10, 2021
–Maxadweynaha mudo xileedkiisa uu dhamaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha dalka àan  walaalaha nahay Jabuuti oo markale dib loo doortay.

” Waa guul  xoojinaysa horumarka iyo xasilloonida gobolka,Waxaan ku kalsoonahay in aad dardargelin doonto horumarka iyo wax wada qabsiga dalalka gobolka” ayaa lagu yiri warqoraal ah oo lagu dabacay twitter Maxadweynaha.

Qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharixiinta sida, Sheekh Shariif iyo Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa waxaa ay dhankooda u hambalyeeyeen Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Dowladda Jabuuti ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana inta badan degmooyinka Gobolka Hiiraan ka jooga Ciidamo ku howlgalla Magaca AMISOM.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post