1593 Views

askar Turki ah oo lagy dilay kadib weerar lagu qaaday gaadiid ay ciidamadu wateen oo marayay waqooyiga dalka Syria.

askar Turki ah oo lagy dilay  kadib weerar lagu qaaday gaadiid ay ciidamadu wateen oo marayay waqooyiga dalka Syria.
____________________________________________________________________________

\Axad: july 25 2021

Inta la xaqiijiyay 2 askari oo Turki ah ayaa ku geeriyootay 2 kalena waa ay ku dhaawacantay kadib weerar lagu qaaday gaadiid ay ciidamadu wateen oo marayay waqooyiga dalka Syria.

Wasaaradda difaaca dalka Turkiga ayaa sheegtay in koox hubeysan ay wadada u galeen gaadiid ay wateen ciidamo Turki ah oo marayay degaan la yiraahdo Al-Baab la yiraahdo o waqooyiga Syria ku yaala.

Ciidamadaan ayaa qeyb ka ah ciidamo Turki ah oo waqooyiga Syria ka wada dagaal ka dhan ah kooxda Kurdiyiinta ah ee YPG la yiraahdo oo Suuriya ka aas aasan.

Warbaahinta Turkida ayaa sheegay in askarta dhaawaca ah loo qaaday isbitaal gaar ah oo Ankara ku yaala.

Ururka hubeysan ee YPG ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas lagu qaaday ciidamada Turkida ah ee Syria jooga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post