993 Views

Turkiga oo duqeeyay Kurdiyiinta Ciraaq iyo Suuriya

____________________________________________________________________________

Wasaaradda Difaaca dalka Turkiga, ayaa Arbacada maanta ah sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay duqeeyeen goobo ay Kurdiyiintu Ciraaq iyo Suuriya ku sugan yihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin xeryaha tababarka, dhufeysyo iyo goobaha lagu kaydiyo Rasaasta.

Duqeymahan cirka ah ayaa qeyb ka ah ololaha Turkiga ka wado Ciraaq iyo Suuriya ee ka dhanka ah Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) iyo Maleeshiyada Kurdiyiinta Suuriya ee YPG, oo labaduba uu Turkigu u arko inay yihiin kooxo argagixiso ah.

Wasiirka Difaaca Turkiga, Hulusi Akar, ayaa sheegtay in hawlgalkaasi lagu guuleystay, isla-markaana lagu dilay “argagixiso badan”. “Kaliya argagixisada iyo bartilmaameedyo ay leeyihiin ay ku jiraan, hoyga, dhufeysyada, huteello, iyo godadka la soo dejiyey madaxdooda ayaa la garaacay. Argagixisadu waxay mar kale dareemeen neefta ciidamada qalabka sida ee Turkiga oo qoorta ka saaran,” ayuu yiri Akar.

Milateriga Ciraaq ayaa cambaareeyay waxa ay ugu yeereen soo galitaanka Turkiga ee hawada Ciraaq oo ay ku tilmaameen mid xad gudub ku ah madax-banaanideeda.

Saraakiisha ammaanka ee Ciraaq oo diiday in magacooda la shaaciyo, ayaa sheegay in ugu yaraan 20 weerar oo xagga cirka ah ay ka dhaceen gudaha Ciraaq gaar ahaan agagaarka buurta Sinjar.

PKK ayaa bilowday dagaalka ay kaga so horjeedo dowladda Turkiga 1984, waxaana lau dilay in ka badan 40,000 iskahorimaadka, kuwaas oo markii hore Turkigu inta badan diiradda ku saari jiray howlgalladooda koonfurta bari ee Turkiga.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post