1077 Views

Sawiro:-Ra’iisul Wasaare Khayre oo baaq midnimo u diray Ummadda Soomaaliyeed

Sawiro:-Ra’iisul Wasaare Khayre oo baaq midnimo u diray Ummadda Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October13—2019 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuska maalinta calanka Soomaaliyeed ee October 12, ayaa caddeeyay in mas’uul walba oo Soomaaliyeed oo fursad u hela metelaadda qaranka, uu taariikhda dalka ku geli doono hadba sida uu uga qayb qaato ilaalinta qarannimada, madax bannaaninada, midnimada iyo xuduudaha Dalka.

 

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Calanka uu macna wayn u leeyahay umadda Soomaaliyeed, uuna u taaganyahay midnimada iyo xornimada ummadda, dhammaan danaha dadka Soomaaliyeedna ay ku jiraan dowladnimada, muhiimna ay tahay in mucaarad iyo muxaafidba dowladnimada la wada ilaaliyo, danta guud laga wada shaqeeyo oo la iska ilaaliyo in dowladnimada laga dhex raadiyo dan gaar ah.

 

“Qof walba oo naga mid ah, meel walba oo uu dalka ka joogo ama ay ka joogto, mucaarad iyo muxaafad oo fursad u hesha in uu qarankiisa metelo ama ay qarankeeda metesho, waxaa uu taariikhda ku geli doonnaa sida uu u ilaalinno qarinnimada, madax bannaanida, hantida qaranka, Midnimadda, xuduudaha, badda, hawada iyo dhulka Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

 

Calankeenna Buluugga ah ee bartamaha ku leh xiddigta shanta gees leh, astaantana u ah qarannimmada umadda Soomaaliyeed, uuna allifay Allaha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan ayaa markii ugu horreysay dhulka Soomaaliyeed laga taagay October 12, 1954, waxaana sannad waliba October 12 dhammaan dadka Soomaaliyeed ay xusaan maalinta calanka oo kamid ah munaasabaha ku weyn quluubta ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment