318 Views

Reer galbeedka gaar ahaan maraykanka oo aad uga carooday dhoolatuska Milatari ay Samnaynayaan Ruushka iyo Dalka Koonfur

Reer galbeedka gaar ahaan maraykanka  oo aad uga carooday dhoolatuska Milatari  ay Samnaynayaan  Ruushka iyo Dalka Koonfur
____________________________________________________________________________

Talaado: January 24, 2023

Dalka Koonfur Afrika ayaa difaacay xidhiidhka wanaagsan ee kala dhexeeya Ruushka iyo dhoolatuska milateri ee ay sida wadajirka ah u samaynayaan labada dal, xilli uu dalkaas ku sugan yahay wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka Segei Lavrov, oo ah booqashadiisii ugu horraysay ee uu halkaas ku tago, tan iyo markii uu dalka Ruushku weerarka ku qaaday dalka Ukraine.

Lavrov ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay mowqifka dhexdhexaadka ah ee uu qaatay dalka Koonfur Afrika, tan iyo markii uu dagaalku bilawday muddo hal sano laga joogo, wuxuuna eedda colaadda uu dusha ka saaray dalka Ukraine iyo wadamada reer galbeedka.

“Waxaa la ogsoon yahay in aan taageernay soo jeedintii Ukraine ee ahayd in wadahadal la galo, isla xilliyadii uu bilaabmay hawlgalka milateri ee gaarka ahi …. waxaa si fiican loo ogyahay in Maraykanka iyo Ingiriiska iyo qaar ka mid ah saaxiibadeeda Yurub inay u sheegeen xukuumadda Ukraine inay tahay xilli aad u horreeya in heshiis la gaadho” ayuu yidhi.

Ruushka ayaa si isdaba joog ah u diiday dalabaadka Ukraine iyo reer galbeedka ee ah inuu gabi ahaanba isaga baxo Ukraine, taasoo shardi u ah wada xaajood kasta.

Lavrov ayaa sidoo kale beeniyay in Moscow ay beegsaneyso dadka rayidka ah, inkasta oo weeraro badan lagu qaaday dhismayaal la deggan yahay oo ku yaal Ukraine kuwaas oo khubarada ay sheegeen in ay u badan tahay in ay isu geyn noqon karaan dambiyo dagaal.

Wasiirka xidhiidhka caalamiga ah iyo iskaashiga ee Koonfur Afrika, Naledi Pandor, ayaa ku celisay in Pretoria ay u aragto in xal diblomaasiyadeed iyo wadahadal in lagu gaadho nabadda.

Hase ahaatee, waxa ay difaacday in Koonfur Afrika ay xaq u leedahay in ay xidhiidh laba geesood ah la yeelato dalalka ay doonayso oo aanay reer galbeedku amar ku siin.

Koonfur Afrika ayaa martigelinaysa ciidamada badda ee Ruushka iyo Shiinaha kuwaas oo ay wada samayn doonaan dhoolatus milateri oo bisha February ka dhacaya magaalada Durban.

Warbixintan waxaa qortay Kate Bartlett

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post