1242 Views

Kenya oo ku dhawaaqday in ay heegan galisay Ciidamada ku sugan Xadka Soomaaliya

Kenya oo ku dhawaaqday in ay heegan galisay Ciidamada ku sugan Xadka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 24, 2019 —Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay iney feejignaan dheeri ah ay geliyeen Ciidamada ammaanka Waqooyi Bari Kenya ka dib markii Kenya ay ka war heshay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo weerar la damacsan Gobolkaasi.

 

Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo Militari ayaa lagu xoojiyay degaanka Elwak-Kotulo iyo wadada dheer ee xiriirisa magaalada Mandheera iyo degaankaasi.

 

 

 

Gudoomiyaha gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ku dhawaaqay in heegan buuxa la geliyay Ciidamada kala duwan ee ku sugan gobolka Waqooyi bari ee xadka la leh Soomaaliya inta ay socdaan diwaangalinta guud ee dalka Kenya.

 

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay heleen xog ku aadan in Al-Shabaab ay doonaayaan in ay weeraraan gobolka iyo sidoo kale meelaha ay ka socoto diwaangalinta guud ee dalka Kenya

 

“Ciidamo badan ayaan geynay degaano duleedka ka ah degmada Mandheera si looga hortago falal lidi ku ah ammaanka oo ka yimaada Al-Shabaab”. Ayuu yiri Gudoomiyaha.

 

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya oo marayay gobolka Waqooyi bari ayaa dhawaan ka badbaaday iskuday dil oo ay la damacsanaayeen Al-Shabaab sidda ay sheegtay dowladda Kenya.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment