735 Views

Wasiirka Amniga oo digniin u diray shaqsiyaad uu sheegay inay caqabad ku yihiin dhismaha wadada Muqdisho iyo Jowhar.

Wasiirka Amniga oo digniin u diray shaqsiyaad uu sheegay inay caqabad ku yihiin dhismaha wadada Muqdisho iyo Jowhar.
____________________________________________________________________________

Talaado: November 16, 2021

Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur oo maanta soo kormeeray dhismaha ka socda wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, ayaa digniin adag u diray shaqsiyaad uu sheegay inay caqabad ku yihiin dhismaha wadadaas.

Kormeerkan ayaa waxa Wasiir Cabdullaahi Nuur ku wehlinayay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xil. Maxamed Aadan Macalin Soomaali Mas’uuliyiinta Shirkadda dhisaysa Wadada Muqdisho iyo Jawhar, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Injineero kasocday Wasaaradda Hawlaha Guud.

Mas’uuliyiinta ayaa waxay warbixin ka dhageysteen Injineerada gacanta ku haysa dhismaha wadadaas, ayaga oo indha-indheynta ka bilaabay halka uu yaalo qalabka dhismaha ee wadada lagu dhisayo iyo halka laga qodo kaawada lagu dhisayo wadada.

Wasiir Cabdullaahi Nuur ayaa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in marnaba aan dhismaha wadada loo joojin doonin shaqsiyaadka uu sheegay inay caqabad ku yihiin habsami u socodkeeda, isagoona u digay shaqsiyaadkaas.

https://9011e938c0280845424d750b3c367ed0.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Waxa uu dadka deegaanka uga mahadceliyay sida ay markasta u garab taagan yihiin dhismaha Wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Dhismaha wadada ayaa waxa lasoo gebagabeeyay intii badneyd, ayada oo kaalin weyn ay ka qaateen habsami u socodkeeda ciidamada amaanka iyo dadka deegaanka oo isku duuban.

By Guuleed Muuse 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post