342 Views

Dowlada Iran oo markii u horraysay qiratay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay siisay Dalka Ruushka

Dowlada Iran oo markii u horraysay qiratay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay siisay Dalka Ruushka
____________________________________________________________________________

.

Sabti: NOVEMBER 5, 2022

Markii ugu horeysay Iran ayaa qiratay inay “tiro xadidan” ah oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah siisay Ruushka, laakiin waxay sii wadday iska fogaynta sheegashada ah in diyaaradahaas loo adeegsaday dagaalka Ukraine.

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas, Hossein Amir-Abdollahian uu sheegay in inkasta oo Tehran ay hub siisay Moscow dhawr bilood ka hor colaadda ka taagan dalkaas, haddana aysan jiraan wax caddaynaya in hubkaas la isticmaalay.

Hadalkan ayaa ka hor imaanaya eeddii Mareykanka ee ahayd in hadhaaga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran Shahed-136 ama ‘Kamikaze’ laga helay gudaha Ukraine, iyadoo ay weheliso caddaymo muujinaya in ciidamada Iran ay ka caawinayaan Ruushka habka isticmaalkooda.

Maraykanka, EU iyo UK waxay dhamaantood cunaqabatayn ku soo rogeen Iran taas oo ka dhan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee u geyso Ruushka kuwaas oo ay ku doodayaa in dagaalka loo isticmaalay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post