477 Views

Fannaanka Ismaaciil Aarka oo si xiiso leh uga hadlay farqiga u dhaxeeya magaciisa iyo muuqiisa

Fannaanka Ismaaciil Aarka oo si xiiso leh uga hadlay farqiga u dhaxeeya magaciisa iyo muuqiisa
____________________________________________________________________________

khamiis:SEPTEMBER 22, 2022

Ismaaciil Aarka, oo ka mid ah fannaaniinta da’da yar ee Soomaalida, ayaa wareysi ay BBC-da la yeelatay ku sharraxay taariikhda fankiisa iyo sida uu ku baxay magaca naaneysta u ah.

Qiyaastii afar sano ayuu Aarka ku jiraa fanka, waxa uuna ka mid yahay fannaaniinta sida weyn loo xiiseeyo heesahooda iyo qoob ka ciyaarkooda.

Isagoo ka hadlayay sida uu xirfaddan kusoo galay ayuu yiri: “Anigu markii ugu horreysay fanka waxaan billaabay 2018-kii. Waxaan ka billaabay Muqdisho, gaar ahaan degmada Yaaqshiid, oo aan waqtigaas ku noolaa.

“Dhowr bilood kaddib, waxaan ku biiray koox la yiraahdo “Deegaan” oo ka tirsaneyd kooxaha qaranka, gaar ahaan Wasaaradda Kalluumeysiga,” ayuu yiri.

Heestii ugu horreysay ee uu Ismaaciil Aarka ku soo shaac baxay, magaciisuna caan uga dhex noqday Soomaalida waxa ay ahayd mid waddani ah oo ay kooxdiisa si wadajir ah u qaadeysay balse uu isagu ku lahaa qeyb yar.

Erayadiisa waxaa ka mid ahaa: “Anoo weli gaban yaroo, gugeygu cantoobo joogo, garkeyguna xaad laheyn, anoon gunti yeelan weli iyo haddoo guudku i caddaaday, dhac iyo guluf aan dameyn, galaal-yuus baan ku koray.”

‘VAR-keyga anigaa wata’

Ismaaciil ayaa dhanka kale ka hadlay arrin kaftan ah oo ku saabsan magaciisa iyo muuqiisa, isagoo sidoo kalena sharraxay sida ay ugu baxday naaneysta “Aarka”.

“Soomaalidu inta badan marka ay maqlaan Aarka, qofka i maqla iyo qofka tooska ii arka waxaan u maleynayaa in aragtida iyo maqalka uu farqi u dhaxeeyo. Dadku markii ay i arkeen waxaa meesha taagan nin jab yar oo niic ah, markii la maqlayayna Aarka waxaa la sugayay inuu noqdo nin weyn iyo libaax,” ayuu yiri.

Isagoo qosol sii raacinaya ayuu yiri: “VAR-keyga aniga ayaa horay u wata.”

VAR waa eray baraha bulshada caan ka ah oo loo adeegsado waxyaabaha xanta farta lagu fiiqo iyo kaftanka ku saabsan.

smaaciil ayaa sharraxaya sida ay ugu baxday naaneysta Aarka.

“Magaca Aarka waxaa ii bixiyay Abwaan Baashi Maxamuud Macallin, Alle ha u naxariisto, waa abwaankii markii ugu horreysay hees ii dhiibay. Habeenkii ugu horreeyay ee hees aan qaado ninkii makarafoon ii dhiibay ayuu ahaa.

“Isaga qudhiisu wuu arkayay inaan ahay nin jab yar oo niic ah, Aarkuna magac aad u culus yahay, laakiin heesta uu ii dhiibay anigoo markaas iigu horreysay iyo malaha sida aan uga soo baxay awgeed ayuu yiri, ‘war ninku waaba Aar, sidaas ayeyna iigu baxday naaneystaas.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post