453 Views

Agaasimaha guud ee Caafimaadka oo soo dhaweeyay wafdi ka socda WHO

Agaasimaha guud ee Caafimaadka oo soo dhaweeyay wafdi ka socda WHO
____________________________________________________________________________

Talaado: June 28, 2022

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Agaasimayasha waaxaha Wasaaradda ayaa soo dhaweeyay wafdi ka scoday xafsiika WHO ee Bariga iyo Bartamaha (EMRO).

Wafdiga ayaa u yimid  Iskaashi labada dhinac ay ka yeelanayaan Arrimaha Horumarinta hanaanka Isticmaalka Xogta Caafimaadka Qaranka, iyadoo lagu salaynayo Isticmaalka Cilmi baarista iyo xoojinta  dadaaladda lagu horumarinayo siyaasaddaha iyo Nidaamka Macluumaadka Caafimaadka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim ayaa warbixin kooban ka jeediyay kulanka, taas oo la xariirta heerka Adeega Caafimaadka dalka ka jira iyo qorshayaasha Wasaaradda horyaala ee u baahan in la iska kaashado si loo hormariyo Nidaamka Xogta Caafimaadka Dalka, isagoo dhanka kalane ka warbixiyay dhibaatooyinka Caafimaad ee ka dhalan  kara abaaraha ka jira dalka, kuwaas oo saamayn xoogan ku yeeshay bulshada ku nool meelaha ay ka jiraan abaaraha xoogan ,kuwaas oo u nugul in ay loo soo daristo xaalado Caafimaad xumo.

Dhanka kale, Wafdiga ayaa kulamo wadatashi iyo xog-wadaag ah oo ku aadan heerka horumarineed  ee siyaasadda iyo tayada Nidaamka Xogta Caafimaadka laqaatay qaar kamida farsamayaqaanada Xogta Caafimaadka, Sidoo kalana tala ka kabixindoona xoojinta nidaamka iyo maamulida xogta Caafimaadka guud ee Dalka.

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post