813 Views

Wasiirka amniga Soomaaliya oo Weerarkii xalay dusha u saaray Mucaaradka..

Wasiirka amniga Soomaaliya oo Weerarkii xalay dusha u saaray Mucaaradka..
____________________________________________________________________________

Feb:19/2/2021

Xili xalay saq dhexe Weerar lagu qaaday Hoyga ay ka Daganyihiin Muqdisho Madaxweynayashii hore ayaa waxaa arintaas ka hadlay Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale.

Xundubey ayaa oo  ka hadlay dagaalkii ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon ayaa sheegay in ciidamada dowladda weerar lagu soo qaaday.

.

Xundubey ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Malleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho. Sarkaal u hadlay malleeshiyadaas ayaa caawa fiidkii hore warbaahinta u sheegay in ay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla markaana ay qabsadeen qaybo kamid ah Muqdisho.”

Xundubey ayaa intaas ku daray in ciidamada Qalabka Sida ay markaa kaddib galeen heegan buuxa ayna iska difaaceen weerarkaa, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa ay ka guuleysteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday. Faahfaahinta weerarka la inagu soo qaaday gadaal ayaanu idinkala soo wadaagi doonnaa,” ayuu yiri.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post